Ciidanka Israel oo Weeraray xerada Amari ee Ramallah

Subaxnimadii Saaka ciidanka Israel ayaa xoog ku galay xerada Amari ee magaalada Ramallah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadku ay 13 dhaawacyo ku daaweeyeen xerada intii lagu guda jiray iska hor imaadyo u dhexeeya rag dhallinyaro ah iyo ciidamada Israel, waxayna ku sheegeen dhammaan dhaawacyada qaar fudud.

Boqollaal dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuuray askartii Israel ee soo galay xerada, waxaynay askartu ku jawaabeen rasaas, gaasta ilmada dadka keenta iyo bambooyin dhawaaqa leh.

Ilaha maxaliga ah ayaa ka hadlay xidhitaanka 15 xubnood oo ka mid ah dadka xerada intii lagu jiray weerarrada ay geysatay Israel.

Weerarka ayaa imaanaya maalmo ka dib markii askari Israeli ah uu dhintay dhagax lagaga dhuftay xerada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso