Muuqaal muujinaya bilayska Isreal oo Tooganaya Haweenay Reer Falastiin ah waqooyiga Qudus

Muuqaal la soo bandhigay ayaa Muujinaya askari ka tirsan bilayska Yuhuuda oo rasaas ku ridaya Haweenay Falastiiniyad ah iyada oo maraysa mandaqada tareenka fudud ee u dhow magaalada Shuafat una dhow degsiimada Pisgat Ze’ev ee waqooyiga Qudus.

Haweenayda ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo.

Bilayska Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay raaceen nidaam sharci ah markii ay ka shakiyaan haweeney islamarkaana dalbadeen inay istaagto ka hor inta aysan hawada u ridin rasaas kadibna lugta aanay kaga dhufan.

Laakiin cajaladdu waxay muujinaysaa in bilaysku aysan ridin rasaas digniin ah mana ay siin haweenayda waqti ay ku istaagto.

Geesta kale Bilaysku ma sheegin sababta ay uga shakiyeen Haweenayda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso