Gudaha ka Akhri Waqooyiga Kuuriya oo u Diiday weriyayaasha deriskeeda koonfurta Korea inay Tagaan goobta baadhitaanka nukliyarka ee la Burburinayo


Tiro ka mid ah suxufiyiinta reer galbeedka iyo Shiinaha ayaa yimid Waqooyiga Kuuriya si ay goobjoog uga noqdaan xidhitaanka goobta baadhitaanka ee nukliyeerka dalka Korea da Waqooyi ugu weyn.

Laakiin saxafiyiin ka socda Koonfurta Kuuriya ayaa laga saaray booqasho kadib markii Waqooyiga Kuuriya diiday in ay ka mid noqdaan liiska dadka la gudbiyey maalintii Isniintii.

Pyongyang ayaa ku ballan qaaday shirkii inter-Korean ee bishii April inuu marti galiyo suxufiyiinta iyo khubarada si ay uga qaybqaataan burburinta goobta.

Kuuriyada Koonfureed waxay muujisay sida ay uga xun tahay in wariyeyaashooda aan loo oggolaan inay booqdaan goobta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso