Gudaha ka Akhri Wasiirka arrimaha dibada ee Falastiinta oo weydiistay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada in ay baadhitaan ku sameyso “dembiyada Israel”


Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa ka codsaday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Hague in ay baadhitaan ku sameeyaan waxa uu ugu yeedhay dembiyada Israel.

Al-Maliki ayaa u sheegay Fatouh Bensouda, oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, dembiyada ay geysteen Israaiil oo ay ka mid yihiin ballaadhinta dejinta, kantaroolka dhulka iyo bar-tilmaameedyada dibad-baxayaasha, gaar ahaan Gaza Strip.

Wafdiga Falastiiniyiinta waxay rabaan in Xeer Ilaaliyaha Bansouda ay ku adkeeyaan baadhitaanka hordhaca ah ee la furay saddex sanno ka hor xaaladda Gaza.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Israel ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiintu uu yahay mid aan caqli gal ahayn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso