Gudaha Ka Akhri: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Biyaha ee Dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar Oo ku kulmaya Maanta Addis Ababa

Addis Ababa, May 15, 2018 (ToggaHerer) – Wasiirda Arrimaha Dibadda iyo Biyaha ee Dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar ayaa kulankooda labaad ku qabsan doona Maanta Addis Ababa, Itoobiya.

Kulankan waxa looga wada hadli doonaa arrimaha ku saabsan Biyaha Biyo Xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD)

Shirkii Saddexaad ee Golaha Qaranka (TNC) ee saddexda dal ayaa hore loogu qabtay Addis Ababa May 5, 2018.

Inta lagu guda jiro kulanka, saddexda wadan waxay wadahadal adag ka yeelan doonaan arrimaha ku saabsan laba Daraasadood oo dhaam-ka ah.

Labada daraasadood ayaa ah saameynta hirarka iyo qiimeynta saameeynta bulshada iyo deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abi Axmed ayaa dhawaan sheegay in biyo-xidhku aanu waxyeello u geysanayn biyaha Masar ay qaybta u hesho.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso