Erdogan : Dhunkada cagaha hooyooyinkiina Si aad u Urisaan urta jannada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in nolosha ay adagtahay Hooyo La`aan, mar uu hambalyeynayay haweenka dalkaasi Maalinta Hooyada.

“Waxaan u ducaynayaa dhamaanba Hooyooyinka munaasabada maalinta hooyada, waxaan kula talineyaa kuwa hooyooyinkood Nool yihiin inay ka dhunkadaan cagaha hooyooyinkood, si ay u uriyaan urta jannada, dardaarankaygu kuwa hooyooyinkood waayayna waa in aysan joojinin u ducayntooda,” ayuu Erdogan ku sheegay shir jaraa’id .

“Inaad noqoto hooyo la’aan waa mid aad u adag, waxaan ixtiraamaa oo jeclahay hooyooyinka, waan aqbalayaa gacmahooda,” ayuu madaxweynaha Turkiga yidhi.

Hooyada Madaxweynaha Turkiga ayaa sanado ka hor geeriyootay.

13-ka May, Turkiga ayaa looga dabaaldegaa Maalinta Hooyada sanad kasta, halka wadamada kale ay u dabaal-dagaan taariikho kala duwan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso