Gudaha Ka Eeg Taariikhda Dayax Madoobaadkii Ugu Mudada Dheeraa oo la Filaayo Dhawaan !!!!!

Kawnka ama Dhulka waxa ka dhici doona dhammaadka Bisha July Dayax Madoobaadkii ugu mudada dheeraa oo soconaya mudo dheer waxaana laga yaabaa in aanu soo noqon tobanka sanno ee soo socda sida la sheegay Se Alle ayaa inaga og.

Wargeyska “The Independent” ayaa qoray in mudada Dayax Madoobaadku noqonayso wakhti dheer socona doono saacad iyo 43 daqiiqo Sida la rajaynayana ama la filaayo Waa 8:22 am GMT July 27.

Meelaha ugu badan ee ay ka dhacayso dhacdadani waxay noqon doontaa Bariga Dhexe, Afrika, India, Australia iyo Bariga Yurub, halka inta kale ee adduunka la arki doono laakiin ay ka yar tahay.

Sababta ah wakhtiga dheer keenaysa ayaa lagu sheegay in ay tahay in dayaxu uu dhex mari doono badhtamaha dhulka, oo wuxuu noqon doonaa hal xariiq oo ka danbeeya Dhulka iyo qorraxda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso