Ruushka Oo Ku Hubaynaya Myanmar Diyaaradaha Casriga ee Dagaalka Noocooduna yahay Su-30!!!!

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Difaaca Ruuska Alexander Fomin ayaa ku dhawaaqay in ay go’aansadeen in Myanmar ku hubeeyaan lix diyaaradood oo casri ah noocooduna yahay Su-30.

Wuxuuna intaa ku daray in Myanmar sidoo kale muujisay xiisaha ay u qabto maraakiibta dagaalka badda iyo qalabka milatari ee dhulka laguna farsameeyo Ruushka, waxaanu muujisay kalsoonida uu ku qabo in Su-30 ay noqon doonto diyaaradaha dagaalka ee ugu weyn ee militariga Myanmar, ayna kor u qaadayso awooda waxa uu ugu yeedhay la dagaalanka argagixisada.

Waxa uu tilmaamay in “Su-30”, oo ah diyaaradaha aasaaska u ah ciidamada cirka ee Ruushka, la xaqiijiyayna in ay tahay diyaaradaha dagaalka Caalamka ugu horeeya.

Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in noocyada kala duwan ee hubka Ruushka ah ee Myanmar ciidankooda ku qalabaysan yihiin, oo ay ku jiraan Mi-24, Mi-35 iyo Mi-17, iyo sidoo kale MiG-29 iyo diyaaradaha dagaalka Yak-130, Iyo gantaalada difaaca Peshawra-2.

Sida lala socodo Ciidamada Myanmar ayaa Waxay Xasuuq ba`an ku hayaan Muslimiinta Rohinga ee Dalkaasi sidoo kalena bara kiciyey in ka badan Nus Malyuun Dad ah kuwaas oo u qaxay Dalka La Dariska ah ee Bangladesh.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso