Dhiiga Dhalinyarada Ee Daadanaya Hala Joojiyo, Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan(Jaafaa)

Dalku wuxu u baahan yahay, hogaamiye iyo madax ka horjoogtsata dhiigaa dhalinyarada ee daadanaya, u horseeda maskax furan, kuna shaqeeysa is dhexgalka bulshada ah, Isla markaasna leh hami ah in Ummadda ay ka badbaadiyaan dhibaatooyinka ka dhalan karta dagaalada sida nabadgalyada xumida iyo horumar la’aanta. Waxaan rajeynaya in caqligu uu shaqeeyo lagana maarmo in la aamino fikradda ah, in dagaal wax lagu xallin karin.
Baaq nabadeed, dhamaan beelaha walaalaha ah ee diritu ku dhex martey Dararweyne, wada-degana Gobolka Sanaag kuwaas oo deegaan, ahaan, dhalasho iyo noloshuba ka dhaxeyso aan ugu baaqayaa iney ku soo dabaalaan colaadaa, nabad iyo wada noolaasho. Waxaan ilaahay uga baryayaa inta dhimatey Janadii farduusa inuu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna in ilaahay bogsiiyo.
Waxan aad ugu damqanayaa dadkaa walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, waxan mar labaad iyo mar sedexaadba ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaannadaas inay colaadda demiyaan.
Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (jaafaa)
Norwey, Kristiansand.

Advertisement

Ku Xayeysiiso