Kuuriyada Waqooyi oo Dalbtay in La Dilo Madaxweyne Trump- Ka Maraykanka

Wargeyska Xisbul Xaakimka Waqooyiga Korea ayaa sheegay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu u qalmo in la dilo sababtoo ah aflagaadada uu u gaystay hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un markii uu ku tilmaamay inuu yahay “Mid Buuran oo Gaaban” todobaadkii hore.

Wargeyska “Rodong Sinmun” Trump waa Fulay sababtoo ah wuxuu joojiyay booqasho uu ku tagayay xudduudaha u dhexeeya labada Kuuriyood booqashadii ugu dambaysay ee shan dal oo Aasiya ah, Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka ayaa booqday gobolka intii ay ku jireen booqashadooda South Korea.

“Dembiyada ugu xun ee aan la cafiyi karin waa inay wax, wax u dhimaya sharafta hoggaamiyaha sare uu yidhi Waa inuu ogaadaa inuu yahay kaliya dambi xun oo ay ku xukumaan dadka reer Kuuriya dil“.
`
Qeyb ka mid ah tifaftirka wargeyska xisbiga talada haya ee Waqooyiga Kuuriya

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso