Qaab Yaab leh oo looga Saaray gabadh yar Oo Nus Ton ah Gurigeeda!!!!

Shaqaalaha ambalaaska ee Argentine waxay ku khasbanaadeen in ay dumiyaan derbi si looga soo saaro haweeney 490-kilo ah guriga si loo geeyo cisbitaalka, sida ay sheegtay saxaafadda deegaanka.

Isabella oo 32 jir ah oo ku nool Magaalada Rosario oo 340 km waqooyiga ka jirta Buenos Aires.

Markii guriga laga saarayay waxay jiiftay sariirta taas oo ay ku qaadeen gawaadhida difaaca madaniga sida laga soo xigtay sawirada uu daabacay wargeyska Clarin.

Sanado badan Isabella waxay ku go’doonsanayd gurigeeda iyada oo ku sugnayd ba’an iyo dhaqdhaqaaq la’aan buurnadeeda awgeed.

“Marwalba waan buurnaa waan ka tagay dugsiga sababtoo ah dhibaateyntii aan kala kulmay waxan dib ugu soo laabtay waxbarashadii mar labaad se aan moloshayda ugu guuleysto laakiin waxay u muuqataa inaanay maanta suurtagal ahayn,” ayay sheegtay Clarin.

Isabella ayaa miisaankeedu ahaa 130 kiilogaram sideed sanno ka hor markii aabaheed dhintay waxaana ku dhacay niyad jab.

“Waxaan doonayaa inaan bogsado oo aan noolaado,” ayey tidhi gabadha yar ka hor inta aan loo wareejin cusbitaalka Rosario ee xaafadda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso