Isbahaysiga Caalamiga: Waxaan ka xoreynay 7.5 milyan oo qof Daacish

Ergeyga Maraykanka ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee ka soo horeeda Daacish Brett McGork ayaa sheegay in Todoba Milyan iyo Shan Boqol oo kun ka Xoreeyeen ururka xagjirka ah Boqolkiiba 95 ka talinayay Suuriya iyo Ciraaq.

McGuck ayaa ka sheegay kulan u socda wakiilada qaar ka mid ah wadamada isbahaysiga ah Jordan in Daacish lumiyey 95 boqolkiiba dhulkii gacanta ku hayeen Ciraaq iyo Suuriya tan iyo markii la bilaabay hawlgalkii Isbaheysiga Caalamiga ee 2014.

Wuxuuna intaa ku daray in “Toddoba milyan iyo 500,000 qof laga xoreeyay Daacish,”.

Wakiilka ayaa intaa daray in laba milyan iyo lix boqol oo kun oo ruux oo ciraaqi ah ay awood yeesheen inay ku noqdaan guryahooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso