Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Miyuu Waalan Yahay mise Waa nin Caqli Badan ?!!

Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un oo adduunka ka abuuray Muran Balaadhan ayaa Sarkaal sare oo ka tirsan CIA-da ku sheegay inuusan ahayn nin waalan laakiin uu yahay hoggaamiye xariif ah oo raba inuu ilaaliyo nidaamkiisa siyaasadeed oo ka badbaadiyo inuu burburo.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya wuxuu rabaa inuu xukumo dalka waqti dheer oo uu sariirta ku dhinto, ayuu Yong Sok Lee u sheegay wargayska Daily Telegraph.

Wargeyska Ingiriiska ayaa sheegay in Sawaariikhda ridada Dhaadheer in Kali-taliyaha da`da yar uu uga dan leeyahay istaraatejiyad cad oo ah inuu ilaaliyo booskiisa Hogaamiyaha Sare ee dalka.

“Haddii Kim uu soo toosay oo uu rabay inuu isticmaalo hubka kiimikada, Los Angeles ma noqon doonto bartilmaameedkiisa uu doonayo,” ayuu yidhi Young Sook Lee, oo ah ku xigeenka madaxa CIA.

“Ninka ugu dambeeya ee doonaya in uu arko khilaafka ka dhaca gacanka Kuuriya waa Kim Jong-un,” ayuu yidhi khabiirka amniga Mareykanka Jung Sok Lee. Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan leenahay rabitaanka waddankan si aan u yareeyno qiimaha ku-oolka ah ee ka dhexeeya dowladaha wada-jirka ah.”

Madaxweynaha Dalka Maryakanka Donald Trump ayaa hore ugu baahiyey Bartiisa twitter-ka in hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya yahay Nin Waalan.

Tan iyo markii uu yimid Xukunka Kim sannadkii 2011-kii wuxuu dilay 340 qof oo ay ku jiraan 140 sarkaal sare oo xukuumadeed, taasoo keentay muran baahsan oo adduunka ka jira waxaanay gaadhay dilalkii ayna saameeyeen qaar ka mid ah qaraabadiisa shakhsiyadeed oo aaminsanaa inay ka soo horjeedaan ama laga yaabo Khatar ku yihiin xukunkiisa.

Warqqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso