Xabsi iyo ganaax lacageed oo lagu Riday Bisada Laaye Magaalada Jeddah!!!

Maxkamadda Makkah Al Mukarama ayaa sheegtay in xukun xabsi ah ku riday Nin Bisadaha Laaya isaga oo soo dhiga bisadaha uu laayo barta loo yaqaan Snap Chat waxa kale oo uu bartan soo dhigay isaga oo tooganaya Ugaadhsanaya eryanaya kooxo bisado ah.

Go’aanka Xukuna ayaa lagu soo qoray Twitter waxaana lagu ydihi: “Go’aanka kiisaska Bisada laaye ayaa ah Xabsi Hal Sanno ah iyo ganaax dhan 20 kun oo Riyaal Sucuudi iyo la wareegid hubka uu isticmaalayay iyo xidhitaanka xisaabta uu ku lahaa barta Snap chat.”

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa Xili uu sheegay Amiirka Maka In la Qabtay Bisada Laaye iyada oo lagu qabtay Magaalada Jiddah kuna Socoto Baadhisi Cida ku shaqada lihina ka gudan doonto Waajibaadkeeda.

Ka dib Markii ay ku Faaftay Baraha Bulshada Ficilkan lagu laynayo Bisadaha ayaa Dadweynuhu soo jeediyeen in lala Xisaabtamo Ninkan Falkan ku kacaya Lana mariyo Ciqaabtiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso