Inan dhalinyaro ah oo Ku Indha Beeshay Mobile ay ku Ciyaaraysay Ciyaar Saacado Xidhiidh ah!!!

Inan dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Koonfurta Shiinaha ayaa Il Beeshay ka dib markii ay ciyaareysay Mobile keeda todobaad dhan .

Sida laga soo xigtay wargeyska Telegraph gabadha 21 jirka ah ayaa si lama filaan ah u lumisay isha midigta ka dib markii ay ciyaarta ciyaareysay muddo dheer iyada oo aan joojin mar ay joogyay guriga waalidkeed magaalada Dongguan ee gobolka Guangdong.

Dhakhaatiirta ayaa ogaaday xaaladdeeda waxaanay ogaadeen in xannibaad ku dhacday xididada retinal-ka ee keenay cadaadis indhaha oo daran.

Gabadha yar oo aan dooneynin in la magacaabo ayaa qirtay in ay ciyaartaa si joogta ah u ciyaaraysay todobo ama sideed saacadood iyada oo aan dhaqaaqin sidoo kalena xustay in ciyaarta loo yaqaan Arena of Valor ay ciyaarasay.

Ciyaarta Dagaalka oo sidoo kale loo yaqaan “sharafta boqorrada” ayaa noqoto mid aad uga caan ah dalka Shiinaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso