Ka dib markii laga tirtiray “Bismalah” Buugta Waxbarashada Aljeeriya hadda waxa laga mamnuucay Niqaabka Ama Indha shareerka Dugsiyada.

Wasaaradda Waxbarashada ee Algeria ayaa si rasmi ah u bilowday dhaqan gelinta xayiraad ku saabsan xidhashada niqaabka dugsiyada hadday tahay ardayda haweenka ah macallimiin ama shaqaalaha kale ee haweenka ah.

Qaraarka wasaaradda ayaa qaatay laba qodob oo qeexaya ka hortagga dhar kasta oo ka hortagaya aqoonsiga ardayda iyo shaqaalaha hay’adaha waxbarashada.

Sida ku cad dukumiintiga ay daabacday Xildhibaanka iyo Isu-duwaha Masoud Amrawi, qodobka 71 waxa uu sheegayaa: “Waa mamnuuc in la xidho dhar kasta oo ka hortagaya aqoonsiga shaqaalaha.” Sida ku qeexan Qodobka 46: “Dharka ardayga looma wareejin karo iyada oo aan la aqoonsan ama loo oggol yahay inuu iska ilaaliyo wax walba oo khiyaano ah inta lagu jiro waajibaadka imtixaanada.”

waxaa jira Dad badan oo ka soo horjeeda go`aankan una arka inay xadgudub ku yihiin xoriyada shakhsi ahaaneed.
Ra’yigana waa lagu kala duwanyahay bogga shabakadda bulshada “Twitter” ayaa Wasiirka Waxbarashada Algeria si adag loogu dhaleeceeynayaa halka qaar soo dhaweeyeen go’aamada la qaatay iyo dadaalkeedii ahaa in dib loogu habeeyo nidaamka waxbarashada.

Mamnuucidda niqaabka ee iskuulada Algeria ayaan ahayn kaliya dib-u-habeyn lagu sameeyo waxbarashada waxa hore u dhacday in buugagta Wasaaradda Waxbarashada laga Saaray Bisimka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso