Qaramada Midoobay: Kumanaan Soomali Muhaajiriin ah Oo Ka Tagaya Yemen

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay  in kumanaan Soomaali ah ay bilaabeen inay ka baxaan Yemen ayna ku laabtaan dalkooda sababtoo ah colaadaha sii socda ee ka socda dalka ugu saboolsan Jasiiradda Carabta, nafaqo-xumada iyo daacuunka.

Ku dhowaad 10,000 oo Soomaali ah oo ka mid ah tobanaan kun oo kale ayaa hadda isku dayaya in ay Soomaaliya u baxaan safar qaadanaya 16 ilaa 18 oo dhinaca badda ah siduu sheegay afhayeenka UNHCR Shabwa Manto.

Waxay sheegtay in UNHCR ay dadkan ku qaaday laba Markab  Axaddii la soo dhaafay iyada oo intaa in ka badan lagu dhoofin doono markab saddexaad  bishan lana sii wadi doono tan iyo 2018.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso