Wasaaradda Difaaca Ruushka: “Daacish” waxay gacanta ku hayasa in ka yar 10% dhulka Suuriya

 

Wasaaradda Difaaca Ruushka  ayaa ku dhawaaqday in degaanka Suuriya ee gacanta ku hayso “Daacish” ay hoos ugu dhacday in ka yar 10 boqolkiiba dhulka dalka.

“Waqtigan xaadirka ah ayaa ciidamada cirka ee Ruushka ay dagaal ku qaadeen Suuriya 30-kii Bishii Sebtembar 2015 iyo ilaa iyo maanta dhulka Daacish ay maamulaan hoos buu u dhacay In ka yar 10 boqolkiiba.” ayay wasaaraddu ku sheegtay hadal uu soo saaray afhayeenka guud Igor Konashnikov.

Konashinkov ayaa sheegay in “Daacish” ay si toos ah ama si dadban u maamulaysay 90 boqolkiiba dhulka Suuriya illaa iyo Sebtembar 30, 2015 laba sano kadib markii Isbahaysiga Caalamiga ah uu hawlgalladiisii  ka bilaabay la Dagaalanka ururka argagixisada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso