Ajaanibta faraha badan ee ka shaqeysata gudaha Somaliland oo xeerkii xakameyn laha laga tashanayo

Ajaanibta faraha badan ee ka shaqeysata gudaha Somaliland oo xeerkii xakameyn laha laga tashanayo.

 

“Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska – JSL, Md. Eng.Cali Xoor Xoor oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud, Md. Ahmed Hassan Aw Aden ayaa waxa uu saaka daah-furay kulan bulshadda lagula tashanayay oo ku saabsanaa Qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Maamulka Shaqalaaha Ajaanibka ah.

 

Kulankan ayaa waxa furitaankiisii ka soo qayb-galay Taliyaha Ciidanka Socdaalka & Illaaladda Xuduudaha JSL & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. kulankan, waxa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiin metalayay in ka badan 65 goobood oo shaqo, Ururadda Shaqalaaha & Saraakiil ka socday Ciidanka Socdaalka.

 

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd in bulshadu ay ku darsadaan afkaartooda qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha oo muddo dheer ay Wasaaraddu ka shaqaynaysay. Ugu dambayntiina, waxa uu kulanku ku soo af-meermay guul & midha-dhal buuxa.”

 

DHAMAAD!

 

Warbaahinta wasaarada shaqo galinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso