Taliyaha Ciidanka Dabdemiska oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Askar baratay Daraasaadka Culuumta Diinta.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Askar baratay Daraasaadka Culuumta Diinta.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyay 16 Askari oo dhamaystay culuumta daraasaadka Islaamiga ah, kuwaasoo muddo ku baranayay taliska dhexe ee ciidanka.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay macalimiintii iyo ardaydii dadaalkaa samaysay, waxaanuu taliyuhu ku bogaadiyay ciidanka in iyaga oo hawlihii qaranka wada dhanka kalena wakhtiyada firaaqada ay uga faaideystaan dhanka culuumta diinta iyo kuwa maadiga ahba.

Taliyaha ayaa ku dhiirigeliyay ciidanka inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, waxaanuu gudoonsiiyay xubnihii ugu sareeyay.

Dhankiisa mid ka mida macalimiintii daraasaadkaa islaamiga ah u soo dhigayay ciidanka ayaa sheegay inuu ku amaanayo ciidamada iyo xubnahaa u sareeyay imitixaamkii in muddadii ay socotay uga qayb qaateen si hagar la’aan ah, waxaanuu ku dhiirigeliyay in halkaa ka sii wadaan.

Ugu dambayn ciidamada Dabdemiska ayaa had iyo goor inta ay firaaqada hayaan uga faaideysta barashada daraasaadka islaamiga ah, Quraanka, maadiga iyo wax akhris joogto ah, waxaanay taasi sare u qaadaysaa horumarka ciidanka Dabdemiska JSL.

Cabdiwahaab Toox
Info.fire@sldgov.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso