Qore : Cabdikariim Siciid Saalax. Agaasime Maxamed Cabdi Gurxan: (Gaadh hayihii Dakhliga Qaranka

Qore : Cabdikariim Siciid Saalax.

Agaasime Maxamed Cabdi Gurxan:
(Gaadh hayihii Dakhliga Qaranka).

Agaasimaha Guud ee hore Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Maxamed Cabdi Gurxan, Waxa uu ahaa Agaasime Guud ee Maaliyada Somaliland tan iyo Dabayaqaadii sanadkii 2018 oo Madaxwayne Biixi u Magacaabay Xilkaasi, tan iyo Waqtigaana Waxa uu ahaa mishiinka halbowlaha u ah Shaqada soo xareynta Dakhliga Cashuuraha isagoo Ka faa’iideysanaya khibradiisa laamaha Dakhli uruurinta ee uu Madaxda kasoo noqday sida Kastanka Berbera iyo Xafiiska Cashuuraha Bariga ee Gobolka Maroodijeex taas oo u sahashay inuu noqdo shakhsi Kala yaqaana shaqaalaha garanayana Isla markaana haya xogta hadii Dakhli la lunsanayo sida looga hortago loona ilaaliyo, Waxa uu kulabaxay Naanaysta ah (Gaadh hayihii Dakhliga Qaranka).

Waxaana taas markhaati Ka ah sida aanay Miisaaniyada Qaranka isu dhimin iyadoo aduunyada mudadaas uu Ka dhacay Xanuunkii Covid19 ee saameyn Ku yeeshay dhaqaalaha Aduunyada, arinta kale ee Cadeynaysa ayaa ah sida uu ugu kalsoonaa Wasiir Dr Sacad Cali Shire oo aaminsanaa inuu u qalmo jagada Wasiirnimo ee Maaliyada markii uu Ku qancay kartidiisa iyo khibradiisa Maamule ee mudadii uu Ku dhexjiray Maaliyada.

Agaasime Gurxan Waxa kale oo lagu xasuusanaya doorkii shariifka ahaa ee kulahaa In nidaamka Dakhli ururrinta iyo kharash isticmaalka Dawlada laga dhigo mid la keydiyo oo la ogyahay Caawa dakhligii soo xarooday adeegyadaasi oo kor u qaaday in musuqa lala dagaalamo Lana ogaado Miisaaniyada sida loo kharash gareeyo (BFM-ka) iyadoo Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale iyo Shaqaalaha Wasaaradaba doorkoodii qaateen, laakiin isagu Waxa uu dheeraa Maadaama uu shaqadii u horeysa Wasaaradda Ku yimid Horumarinta nidaamka casriga ah ee xiligii Wasiir Eng Maxamed Xaashi Cilmi Waxa ahaa dadkii fuliyey qorshayaashaasi.

Bulshada reer Somaliland way ogyihiin awoodii uu galin jiray shaqada Qaranka isaga Xataa galinka dambe shaqeyn jiray.
Dhalinyaro badan ayuu siiyey fursad ay Ku maamuleen Laamaha Dakhli uruurinta Wasaarada sida Kastamada, waaxyaha hubinta Dakhliga, Cashuuraha Bariga iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah taasoo Wasiir Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiiradii kale ee ay Soo wada shaqeeyeen Ku ma jeerteen sida uu u ahaa Hawlkar Qaranka u adeegay.

Nin ma qaato amaan aanu lahayn Gurxan oo Ku suntanaa shaqo wanaag hawlkarnimo iyo daacadnimo uu muujiyey mudadii uu xilalka Kala duwan Ka hayay Wasaaradda Maaliyada JSL.
Waxa uu siyaasada Ka hor ahaa Macalimiintii Magaalada Hargeysa ugu wanaagsanaa, Waxa kamid ahaa Dhalinyaradii waxbaratay ee Fursada ay Qaranka ugu shaqeynayaan Ka helay Xukuumadihii Kala dambeeyey ee Xisbiga Kulmiye.

Waxa uu Shaqada Wasaarada Maaliyada Kasoo bilaabay Shaqaale, xiligii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo talada dalka hayey Wasaaradana Maaliyada Somaliland uu hogaaminayey Eng Maxamed Xaashi Cilmi, tan iyo Xiligaasi Waxa Ka dhex ahaa Wasaaradda ileys isaga iyo Koox dhalinayro ah oo Xiligaasi la hawlgaliyey.

Maamulihi Cashuuraha Bariga ee Gobolka Maroodijeex ayuu ahaa xilkii u horeeyey ee loo Magacaabo waxaana Magacaabay Wasiir Maxamed Xaashi isagoo shaqadaasi si heer ah uga so baxay.

Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna u Magacaabay xilkii ugu Weynaa waqtigaasi ee qof dhalinyaro looga dhiibi Wasaarada Maaliyada Somaliland waaba Maamulaha Kastanka Berbera oo goobta Dakhliga ugu badan Somaliland kaso Xeroodo waxaanay Xilkaasi hayey tan iyo intii ay Dalka Maamulaysay Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo waxaanu sidoo kale lasoo shaqeeyey Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadam oo iyaduna Ku qanacday inuu sii hogaamiyo Kastanka Berbera, iyadoo uu Waliba helay fursado shaqo oo Ka lacag badan Shaqada Qaranka balse uu doortay in umada usii shaqeeyo.

Xukuumada Madaxwayne Biixi Markii ay xukunka la wareegtay ayaa Xilkaasi laga qaaday, Maxamed Cabdi Gurxan muu noqon Masuuliyiinta Wasaarada Horgadhiista xil sugayaasha ah ee wuu shaqo tagay waxaanu qeyb Ka noqda Maamulka Dp World Berbera shaqadaas oo isaga oo haya Madaxwayne Biixi Xilka Agaasimaha Guud ee Maaliyada u Magacaabay Dabayaqaadii sanadkii 2018 Xilkaasi Oo Madaxwayne Biixi Ka qaaday todobaadkan iyadoo aan la ogeyn Sababta keenaya Xilka qaadistiisa bulshaduna su’aalo badan iska weydiinayso balse ay tahay awood dastuuri Oo Madaxwaynuhu Leeyahay” sikasta hbaa ahaatee Waxaanu rajaynaya inuu Wasaaradda Maaliyada Somaliland Ka gaadhi doono idamka Alle Xil Wasiirnimo ah oo ah darajada uga dhiman ee Xilalka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso