Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre, safiirka Maraykanka ee Muqdisho, uu si joogto ah iskaga Ilaaliyo inuu Somaliland ugu yeero magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, Berberana ku tilmaamayo in ay Soomaaliya ka mid tahay,

Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre, safiirka Maraykanka ee Muqdisho, uu si joogto ah iskaga Ilaaliyo inuu Somaliland ugu yeero magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, Berberana ku tilmaamayo in ay Soomaaliya ka mid tahay, in kasta oo si fiican loo ogyahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya.

In Somaliland lagu tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya waxay meel ka dhac ku tahay karaamada dadkeena iyo dalkeena. Somaliland waxay martigelinaysaa hawlgalka milliteriga Maraykanka oo fulinaya dhoolatuska millateri ee loo igmaday.

Waxa is weydiin leh in Ambassador Andre uu leeyahay ujeedo qarsoon. Sida caadada ahayd Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba diyaar u tahay inay iskaashi la yeelato Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo hore uga hadlay Arrinta Maraykanka iyo Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso