“Ninkii Lixle Dilay Wuxuu Siyaad Barre U Dallacsiiyey Korneyl, Balse Kamuu Dambeyn oo Waxaanu…” Muj: Ibraahim Dhagawayne

“Ninkii Lixle Dilay Wuxuu Siyaad Barre U Dallacsiiyey Korneyl, Balse Kamuu Dambeyn oo Ninkaas Waxaanu Ku Dilnay…”

“Maalintuu Lixle dhintay waxa nagu dhacay laba dagaal oo waa wayn ( laba abudh), Midna dhanka dawlada ayuu ka yimi oo waa kii Lixle lagu dilay oo Burcaduurray ayuu ka dhacay, midna xaga sare ayaa nalagaga soo qaaday oo Ciidagale  laga soo weeraray.  Maalintaa waxa naga dhintay 50 nin in ka badan. Dhammaana waxa lagu wada aasay magaalada Rabaso.  Hadalkii Siilaanyo ee ahaa SNM waa wada Lixle ayaanu kagasoo kabanay naxdintii aanu ka qaadnay dhimashadiisa “.Muj: Ibraahim Dhagawayne.
MUJ. Ibraahim Dhagaweyne

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso