Hadal QUUS & QADAF Siyaasaddeed loo kala saari waayay oo kasoo yeedhay Mas’uul Xil sare Ka Haya Xukuumadda Muuse Biixi

“Qolada rejada leh ee nala Tartamaysa Wax ha na yidhaahdaan……. Gud. Cirro Kursi Buu u baahan yahaye sacab uma baahna”

Hadal QUUS & QADAF loo kala saari waayay oo kasoo yeedhay Mas’uul Xil sare Ka Haya Xukuumadda Muuse Biixi

Maareeyahay Duulista ee Dawladda Kulmiye Md Cumar Seyid Cabdilllaahi Aadan oo khudbad ka jeediyey daahfur lagu gardaadinayay diiwaan laga qoray abwaan xasan Qawdhen xlay ayaa daba socda hadallo ay labada xisbi mucaarid ee WADDANI IYO UCID ku dureen xukuumadda Kulmiye waxa uu kaga jawaabay weedho ilka cabirkoodu dhadhan kala duwan lahaayeen kuwaas io ay ka mid ahaayee. Sidan

Madal ilyartu isqabatay Kaga Tiraabay Hadal loo kala Garanwaayay Quus iyo Qadaf Siyaasadeed

“Qolada rejada leh ee nala tartamaysa wax ha na yidhaahdaan, Laakiin UCID…”

“Xisbi kasta oo xukunka qabtaa  wuxuu ku Qasban yahay waaqaca maanta aanu ku noolnahay inuu ku noolaado….markaad mucaaradka tahay wax kasta waad iska odhan kartaa.

Qolada rejada leh ee nagu soo yara dhaw inta nala tartamaysa inkastoo aanu ka badin doono wax ha na yidhaahdaan, Laakiin UCID 4% helay ma aha inay halkan ka yidhaahdaan UCID baa doorkan talada qaban doona. Waxaan leeyahay horta idinku wadarta codadka xumaaday soo dhaafa”

“Waxaan halkan aad uga slamaamayaa gudoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan maxamed  cabdillaahi, halkan Barkhad baa ka yidhi guddoomiyaha aad haloogu sacabiyo, waxaan leeyahay guddoomiyuhu kursi buu u baahan yahay ee sacab uma baahna”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso