Xoghayaha fulinta ee Degmada Laascaanood oo Ka hadlay shirka nabada ee ugaadhyahan

Xoghayaha fulinta ee Degmada Laascaanood oo Ka hadlay shirka nabada ee ugaadhyahan

Xudun (Togaherer) Xoghayahafulinta ee dawladda hoose ee degmada laascaanood
Md. Cabdiraxmaan khadar gaas ayaa bogaadiyey midhaha kasoo goay shirka nabada ee beeellaha ugaadhayahan ugu soo gebogaboobay deegaanka  Dibshabeel oo ka tirsan degmada xudun ee gobolka Sool.

Xoghayaha oo door muhiim ah ka qaatay isla markaana qoddobada laga soo saaray qeyb ka ahaa  wuxuu yidhi
“Waxaan soo gebogabaynay wejigii koowaad ee shirweynaha nabadda ee beellaha Siyaad Maxamuud”. Sidaas ayuu yidhi xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee degmada Laascaanood md. Cabdiraxmaan khadar gaas.

Waxaanu intaa ku ladhay “runtii xaalladu meel adag bay markii hore taagnayd laakiin illaahay fadligiisa waxaanu ku guulaysannay maamul ahaan iyo bulsho ahaanba in laga midho dhaliyo nabad waarta oo deegaanku hormood ka noqdo. Taasna annaga oo cuqaashii , waxgaradkii, haweenkii , dhalintii kaashanayna isla markaana uu hornood noo yahau garaadka guud ee beeshu garaad
Saleebaan garaad Maxamed garaad Maxamuud illaahay wuu nagu guuleeyay. insha’alaahu inta dhimana waxaan rajaynayaa inay si sharaf leh ku dhamaato”. Ayuu yidhi xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood md. Cabdiraxmaan khadar gaas.


Advertisement

Ku Xayeysiiso