Farriin uu Amiirka Alshabaab kusoo beegay Ciidda oo u hanjabtay ergada doorashada

Farriin uu Amiirka Alshabaab kusoo beegay Ciidda oo u hanjabtay ergada doorashad

Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab ayaa u gooddiyay ergada doorashooyinka ee Soomaaliya ee lagu wado inay ka qeybqaataan doorashooyinka soo aaddan.
Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah, oo khudbad munaasabadda ciidda awadeed u soo duubay ayaa soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay dhacdooyinkii iyo jahawareerkii bilihii la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ee salka ku hayay waxa ay ku sheegeen doorasho ay dalka ka qabtaan, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Waxa uu sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan.
Abuu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan.
Waxa uu madaxda dalka iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Axmad Omar (Abu Cubayda) ama Mahad C/Kariim oo ah Amiiirka Xarakada Alshabaab ayaa leh magacyada kala ah Sheikh Mahad, Axmad Dheere, Axmad Diiriye iyo Ahmad Cabdikariin. Amiirka ayaa kasoo jeeda Beesha Dir, gaar ahaan Baajamaal, wuxuu ku dhashay oo asal ahaan kasoo jeedaa Itoobiya, Aasaaskii Maxkamadaha kahor wuxuu ku noolaa Magaalada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose. Mar wuxuu macalin dugsi quraan ka ahaa magaalada Kismaayo.

 

Waaligii Xarakada Alshabab ee Bay iyo Bakool buu ahaa. Wuxuu ahaa ninkii lagu bedelay Hassan Afgooye oo laa yaqaan Abu ayman oo ahaa waaligii ugu horeeyay ee gobolada Bay iyo Bakool. Axmad Cumar ama Mahad Cabdikariin abu cubayda waxaa wilaayadda Bay iyo Bakool uu godane u dhiibtay xili amiir ka alshabaab uu qorsheynayay inuu ka takhaluso afhayeenkii hore ee Xarakada Alshabaab sh Mukhtaar rooboow abuu mansuur. Amiirka Cusub oo xarakada alshabaab wuxuu ka mid ahaa xubno aad ugu dhowa Axmad Godane oo qaab qabiil ugu xirnaa amiirkii hore.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso