Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdilaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka Ee magaceeda loosoo gaabsado WHO (World Health Organization) ee Somaliland iyo Somalia. Shirkan waxaa ku weheliyay wasiirka, Agaasimaha Guud ee WHC, xubno ka tirsan agaasimayaasha qaybaha iyo khuburada Caafimaadka ee WHC iyo dhanka kale waxa goob joog ka ahaa madax ka socotay xafiiiska WHO ee Somaliland. Shirkani wuxuu ka mid ahaa kulanada caadiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda H. Caafimaadka iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO)

Kulankan oo lagaga wada hadlay xaalada caafimaadka dalka guud ahaan, gaar ahaana xanuunka COVID-19. Wasiirku waxa uu uga warramay waftigan wixii u qabsoomay Wasaaradda H. Caafimaadka ilaa mudadii uu bilaabmay cudurka COVID19, isla markaana wuxuu uga mahad celiyay Hay’adda WHO waxtarka iyo mucaawinada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Wasaaradda H. Caafimaadka JSL.

Waxaa kale oo wasiirku la wadaagay waftigan baahiyaha degdega ah ee lagula tacaalo dhamaan cudurada faafa, gaar ahaana Cudurka COVID19, loona baahan yahay in Hay’adda WHO qayb laxaadleh ka qaadato iyadoo loo marayo siyaasada qaranka Somaaliland.

Waxaa loo balamay sidii loo joogtayn lahaa iskaashiga, wada shaqaynta iyo isku duba ridka shirarka lagu horumarinayo caafimaadka Dalkeena.

Advertisement

Ku Xayeysiiso