Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha cilmi baadhis ku saabsan sidii ay shaqaalaha dawladu u heli lahaayeen Adeegyo Caafimaad

Munaasibadda oo ka qabsoomtay Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiiradda Wasaaradaha Xidhiidhka Gollayaasha iyo arrimaha Dastuurka,Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha,Agaasime Ku-Xigeenka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Bahda Caafimaadka iyo marti-sharaf kale.

Ugu Horayn Agaasime Ku-Xigeenka Mac-hadka Hay’adda Shaqaalaha,Mustafe Axmed Maxamuud,ayaa sheegay inay Mac-had-ahaan awood u leeyihiin inay soo bandhigaan daraasad dhamaystiran oo ku saabsan sidii ay shaqaalaha Dawladda looga gacan siin lahaa helsita adeegyo caafimaad oo ay awoodi karaan.

Wasiiradda Wasaaradaha Xidhiidhka Gollayaasha iyo Ciyaaraha,ayaa iyaguna waxay si weyn ugu ammaaneen Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Qorshahan iyo himiladan oo uu soo curiyay,waxaanay hoosta-ka-xariiqeen muhiimadda ay leedahay in qorshan laga midhaliyo.

Prof. Diiriye Xasan Erig,hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargaysa ayaa soo jeediyay inay dawladdu xidhiidh la samayso Cisbitaaladda waaweyn ee Dalka,si ugu yaraan qeyb loo daboolo baahida Caafimaad ee shaqaalaha Dawladda.

Gudoomiyaha Hya’adda Shaqaalaha Dawladda,Farxaan Aaddan Haybe,ayaa waxa uu sheegay inay shaqaalaha Dawladdu yihiin laf-dhabarta Qaranka,isla-markaasna ay dawlad ahaan xil iska saarayaan ilaalinta xuquuqaadka aas-aasiga ah.

Gudoomiye Farxaan waxa uu sheegay inay ujeedka Daarasadan uu Mac-hadka Dawladda samaynayaa yahay sidii loo heli la’ahaa qaabka ugu sahlan ee ay Shaqaalaha Dawladdu ku heli la’haayeen adeegyo Caafimaad oo hayntooda u qalma.

Dhinac kale,waxa uu gudoomiyuhu sheegay inay Barnaamij xukuumad ahaan ay dhaqaaleheeda dhabarka u ridin doonaan,lagana maal-galin doono cashuurta dadweynaha,waxaana usoo jeediyay Jaamacadaha kale ee Dawladda iyo ciddii ay khusaysaba inay Hay’adda shaqaalaha kala shaqeeyaan ka-midho-dhalinta Barnaamijkan.

Gabo-gabaddii waxa Mac-hadka Hay’adda Shaqaalaha dawladu halkaas kusoo bandhigay war-bixin ka hadlaysa Jidadka ugu haboon ee ay hir-galinta daraasadan u marayaan iyo sida wadamadda aduunka qaarkood Barnaamijyadan oo kale u hir-galiyeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso