Karka iyo Kala Hadalka Farmaajo Wuxuu Astaan u Yahay Hore-u socodka Somaliland

Karka iyo Kala Hadalka Farmaajo Wuxuu Astaan u Yahay Hore-u socodka Somaliland
By: Cumar Maxamed Faarax

Imaam Al-shaafici oo ka hadlay Xasadka ayaa sheegay in Guusha uu qof ama ummaddi ku tallaabsato halbeegga lagu gartaa uu yahay buuqa iyo sawaxanka Xaasidkooda.

Sidaas si la mid ah xumaatada iyo xiqdiga ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee ka dhanka ah Somaliland ayaa ah mid dhegaha shacabka Somaliland la qabsadeen oo aan wax ka soo qaad laheyn, waxaanu dhawaaqiisu ka turjumayaa horumarka ay beegsanayso Jamhuuriyadda Somaliland oo ILAAHAY ku galladay inay dhisatay dawlad aan gacan shiisheeye iyo maskax dibadeed midna ka dambeynin.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka, waxaanay si adag ugu tallaalan tahay quluubta ummadda reer Somaliland oo aanay maalin kaliya hoos u dhicin sida ay ugu adag yihiin iyo xurmada ay u hayaan qaranimadooda qiimaha weyn ku joogta.

Jamhuuriyadda Somaliland marti iyo magan midna ugama ah Farmaajo iyo dawladiisa aqoonsiga uu ku tiraabay in aanay heli doonin, waxaanu iska indho tirayaa in Qaranimada Somaliland ay jirtay isaga hortii, isla markaana ay jiri doonto dabadii.

Karka iyo kala hadalka waxa ugu wacan Farmaajo dedaalka Somaliland ay ka sameysay labadii sannadood ee la soo dhaafay qaddiyadda Aqoonsi raadinta oo ay ugu dambeysay cilaaqaadka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ay Somaliland la yeelatay Taiwan, oo dhako-faar siyaasadeed oo hor leh ku riday Dawladda Sooamaaliya oo u aragtay in la gaadhay xiligii uu soo go’i lahaa juhdiga ay Somaliland gelisay aqoonsi raadinta iyo dawladnimada raasamaalka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab waafiya ka bixiyey hadalka Madaxweynaha Muqdisho waxaanu sheegay in Somaliland aanay rubuc qarnigii la soo dhaafay maalin kaliya qayb ka noqon Soomaaliya, waxaanu cadowtinimo ku sifeeyey tiraabta Farmaajo iyo hindisahoodii ay hore ugu sheegeen in Xildhibaanno Baarlamaan oo Somaliland ka soo jeeda lagu dooran doono Muqdisho, taasi oo ah dheel-dheel iyo wax aan la aqbali karin oo aanay geyin shacabka Somaliland.

Aflagaadada iyo nacaybka Farmaajo u caddeystay Somaliland waxa uu ka dhigan yahay iclaamin dagaal. Waxaanu burinayaa heshiiskii Jabuuti oo dhigayey in labada dal ay joojiyaan wax kasta oo sii hurin kara xiisad hor leh oo ka dhex dhalata Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa hadalkiisii u dambeeyey uu ugu qiil sameynayaa fashilka maamulkiisa oo afartii sannadood ee uu joogay Vila Soomaaliya tahli waayey inuu xataa ka wada taliyo gobolka Banaadir ama Muqisho oo dhan.

Waxa dhawaaqiisu xoojiyey siyaasiyad ahaan midnimada iyo yuhuunta shacabka Somaliland oo 24kii saacadood ee la soo dhaafay si cadho leh ugaga jawaabayey baraha bulshada oo ay ku tilmaameen hadal meel waayey oo shir kaga kac ah iyo cadaawad aan ku cusbayn dhegahooda.

Ugu dambeyn, waxa horyaalla Farmaajo inaanu wakhti iskaga lumin Somaliland ee uu ummadiisa ka qanciyo inuu fuliyey balanqaadyadiisii xiligii uu ololaha doorashada ku jiray, kuwaasi oo uu ku fashilmay inuu nabad ku soo dabaalo Soomaaliya oo haysata horyaalka dalalka fashilmay ee caalamka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso