Dagaal maalintii 2-aad dhexmaraya dalalka Azerbajan iyo Armniya

Maalintii Labaad dagaal culus oo u dhexeeya dalalka Azerbaijani iyo Armenia ayaa ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh .

Labada dhinac ayaa laga soo wariyay in ay soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawacyo , iyadoo dagaaladaan cusub ay yihiin kuwii ugu xumaa rabshado dagaal oo vilowday sanadkii 2016.

Bulshada caalamka,sida Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo dalaka reer Yurub ayaa ku baaqayay in la joojiyo colaadda oo la bilaabo wada hadal.

Labada dal ayaa ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh islamarkana waxaa halkaas horey ugu dhaexmaray isku dhacyo kooban.

Nagorno-Karabakh ayaa caalamku wuxuu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan tahay dalka Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya dad asalkoodu yahay Armenia.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa ay labaduba ka tirsanayeen dalkii burburay horay loo oran jiray midowgii Soofiyeeti.

Advertisement

Ku Xayeysiiso