Dhulkii Muranku Ka Taagnaa ee Buurta Kala Jeexan Oo Xal Laga Gaadhay

Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka hadley muranka dhul ku yaala buurta kala jeexan oo ay isku haystaan dad shacab ah iyo Qoyska Madaxweynaha Somaliland.

Wasiir Abdirashiid Qambi oo u warramayey Weriye Luqmaan Maxamed Faarax oo ka tirsan Bulsho TV, waxa uu yidhi “Anigu arrin u gaar ah Madaxweynaha ma farogelin se waxaan ogahay inuu in badan Madaxweynuhu ku dedaaley sidii si wanaagsan oo nabadgelyo ah loogu dhameyn lahaa arrinkaasi, Dedaalka Madaxweynahana waxa ka soo baxey in dadka dhismayaasha ku lahaa loo daayo kuwa kalena dhul beddel loo sameeyo.”

Wasiirka ayaa sheegay in dhulkan intaanu xilka qaban Madaxweyne Muuse ay maxkamadaha dalku u xukumeen qoyska Madaxweynuhu iney leeyihiin dhulkaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso