Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Barnaamijka Fariinta Dastuurka Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay barnaamijka fariinta Dastuurka, adeegga, xog iyo xidhiidh oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka iyo arrimaha Dastuurka Somaliland.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaradda xidhiidhkq golaysha iyo arrimaha dasturka Jamhuuriyadda Somaliland Jamaal Cabdi Muuse, oo faahfaahin ka bixiey barnaamijkaas ay soo bandhigeen oo uu sheegay in uu muhiimad ballaadhan u leeyhay bulshada Somaliland guud ahaan.

Waxa kale, oo xafladaas ka hadashay marwo Adna Aadan Ismaaciil oo tilmaantay faa’iida ku jirta in bulshadu barato Dastuurka isla markaana fahanto maadaama oo uu yahay sharciga dalka ugu sareeya.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, oo u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Dastuurka oo iyagu barnaamijkaasi soo abaabulay.

Dhankoodana waxa munaasibadaas ka hadlay agaasimaha waaxda Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji) iyo agaasime ku xigeenka Idaacadda Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed, oo tilmaamay doorka laxaadka leh ee ay wasaaradda warfaafintu ku leedahay baahinta iyo gaadhsiinta bulshada barnaamijyada iyo wararka dawladda , iyaga oo si gaar ah u xusay barnaamijka baro Dastuurkaaga oo ay soo diyaarisay wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Dastuurka ee dalku.

Wasiirrada wasaaradaha shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi, horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed
oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey daahafurka barnaamijkaasi, oo ay ku tilmaameen mid bulshadu u baahnayd.

Sidoo kale, waxa halkaasi hadal ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka golaysha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi
oo ka xog-waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabagadii waxa madashaasi soo afmeeray madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) oo bogaadiyey masuuliyiinta wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka kuna hambalyeeyey barnaamijkaas ay soo bandhigtay ee ku saabsanaa fariinta Dastuurka, adeega xog iyo xidhiidhka.

Ugu danbayantii wax halkaasi shaahadooyin lagu gudoon siiyey xubno ka mida ka qayb qataysha hirgelinta barnaamijkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso