Xukuumadda oo daah furtay Mashaariic ay Hay’adda Boqor Salmaan ka fulinayso Somaliland

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa ka qayb-galay daah-furka mashaariic ay fulin doonto hay’adda boqor Salmaan, kuwaas oo ay ka faa’iidaysan doonaa qaar ka mida bulshada danyarta ah eek u nool qaar ka mida gobolada dalka.

Mashaariicdaas oo ay fulin doonto hay’adda NRC waxa ka faa’iidaysan doona dadka danyarta ah ee ay saamaynta ku yeesheen abaaruhu iyo dadka barakacayaasha ah, waxaanay xooga lagu saari doonaa sidii dadkaas looga caawin lahaa biyaha, waxbarashada iyo degaanka.

Agaasimaha waaxda isku duwida ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cabdifataax Suladaan Aadan iyo masuuliyiin ka socday hay’adda NRC oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in fulinta mashaariicdaas oo ku saabsan horumarinta dadka danyarta, ay ka qayb qaadan doonaan laamaha dawlada ee ka shaqeeya arrimaha dadkaas danyarta laga taageeyaaro.

Gudoomiayaha gudbolka Sannaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, gudoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland Faysal Sheekh Maxamed, oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in mashaariicdani yihiin qaar ay u baahan yihiin dadka danyarta ah eek u nool gobolada dalka, waxaanay intaas ku dareen inay ka shaqayn doonaan sidii mashaariicdaasi u noqon lahaayeen kuwa guulaysta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa u mahadceliyay hay’adda boqor Salmaan, taas oo mashaariico badan oo dhanka caawinta dadka danyarta ah hore uga fuliyay Somaliland, waxaanuu sheegay in mashruucan hadda ay ku caawin doonaan dadka danyarta ahi uu yahay kii u ballaadhnaa, waxaanuu ballan qaaday in mashaariicdaasi ay gaadhi doonaan dadkii loogu talo galay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso