Suudaan Oo Dadaal Ugu Jirta Sidii Looga Saari Lahaa Liiska Argagixisada

Madaxa Golaha Ku-meel-gaarka ee ka Taliya Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, oo ku sugan dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa kala xaajooday wafdi Mareykan ah sidii dalka Suudaan looga saari lahaa liiska argagixisada.

Al-Burhaan oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa Imaaraatka ku jooga booqasho laba maalin ah, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrima badan oo la xiriira Gobalka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxda kumeel gaarka ah ee Suudaan ka talisa ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo soo celin lahaa xiriirkii ay la lahaayeen dalka Maraykanka, isla markaana looga saari lahaa liiska argagixisada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso