Kulan lagaga Hadlayay Xeerka Kufsiga iyo Nuxurka War Murtiyeed laga soo saaray

Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka qaranka ayaa Magaaladda Hargaysa ku qabtay kulan lagu falanqaynayay Xeerka Kufsiga Xeer Nombar 78/2020.

Sida ay ku waramayso Wakaaladda wararka Solna Waxaa Kulankan Goob joog ka ahaa daneeyeyaasha arrimaha xuquuqul iinsaanka,bah’da garsoorka, iyo xubno kale oo ka socday hay’ado caalami ah iyo kuwo waddani ah.

Mas’uuliyiinta Komiishanka Xuquuqul iinsaanka qaranka ayaa ka qayb galayaasha warbixin ka siiyey Kufsiyada iyo tacadiyada ka dhacay dalka iyadoo halkaasi lagu falanqeeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay Xeerka Kufsiga oo ay meel mariyeen golaha sharci dejinta dalku.

Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka qaranka Maxamed Baaruud Cali iyo Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo xubin ka ah guddidaas waxayna sheegeen inay daruuri tahay sidii mar kale golaha Guurtidda loogu celin lahaa xeerkan oo dhaqangalkiisa hakad la geliyey.

Gunaanadkii Kulankaas waxaa laga soo saaray War murtiyeed uu halkaasi ka akhriyey Agaasimaha Guud ee Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka Cabdi-samad Sacad kaas oo u dhignaa Sidan.

ü In la kala saaro Xeerka Kufsiga Iyo Sinada

ü In xeerka la waafajiyo Distoorka iyo Xeerarka kale ee Somaliland.

ü In la saxo erey bixinta iyo magaca Xeerkan

ü In la cadeeyo ciqaabta uu sheegayo xeerkani ee dhanka shareecada

ü In xeerka la waafajiyo Xeerarka Ciqaabta ee dalku leeyahay iyo kuwa caalamiga ah ee ka hadlaya xuquuqda aadamaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso