Dorashooyinka Somaliland Waa 2022 Qore Khadar Ibrahim

asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Baryahan waxa ka socda gobolada somaliland kacdoon diidma ah kuna saabsan qabashada doorashooyinka iyo saamiga lagu galiyo, arinta kow waxa ka seexda cabdiraxmaan cirro marku ahaa gudoomiyaha barlamaanka 12 sanadood. waxayna dadka ku maaweliyen heshiis in doorashadda 2020 la qabanayo, horta caqligi mee iyo sharcigi labaduba mawaafaqsana heshiiskii ay xisbiyadu mar galin…..

Maanta awdal iyo sanaag iyo sool way diidanyihiin waxana ka iman kara mudaharaadyo iyo colaad dhimasho keeni karta, somalilandna gobol kursi uma tanaazuliyo gobol kale.

Waxaana u haboon madaxweyne muuse biixi in u heshiiskaa ka baxo oo tira koob dalkan galo bilawga 2021 si gobol walba saamigiisu halkaas uga soo baxo…kadibna sida u xeerarku dhigayaan ururo la furo si tartanka doorashooyinka loo galo 2022 taasna sharciga waafaqsan tahay..

Heshiiska waxa ku baryootay faysal iyo cirro si ay wajigooda iyo mawqifkuda u badbaadiyo muuse!. Lkn heshiska waxa ka hor yimi diidmada golayaasha barlamaanka iyo gudoomiyaha gurtida saleebaan  oo aan marnaba ansixin doonin heshiiska ,dhowr xildhibaana afkooda ka sheegay marar la weediyey..

imika waxay rabaan labadaas xisbi in ay ka shubtaan musharaxiinta lacagtii musharax nimadoodi 5 kun dollar cala musharax! ,waxaana u soo jeedinaya musharaxiinta suga wakhtiga dhabta ah 2022 ee ururada la furayo yaa laydinka cunin waxaad u soo tacabtayn !!!!…

Wakhti badan waayno haysana talaabooyinka loo baahan yahay in lagu dhawaaqo :

1- tiro koob iyo diwaangalinta muwaadiniinta december 2020 ila june 2021.

2- furashada ururada xisbiyada iyo tartankood july 2021 ila december 2021.

3- qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlmaanka april 2022…..

Waxanaa ku boorinaya xukuumadda in kuraasta golayaasha deeganka ay yerayso sida:

Caasimada Hargeysa 17 kursi

Magaalooyinka A. 13 kusi

Magaalooyinka B. 9 kursi

Magaalooyinka C. 6 kursi

Qore khadar ibrahim cabdi matan

Khadar_kulmiye@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso