Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo Tababar ku Saabsan Ka hortagga Dabka u Furay Qaybo ka mida Shaqaalaha Shirkadda Telesom.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta tababar socon doona Saddex maalmood u furay xubno ka mida shaqaalaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa in shaqaalaha lagu tababaro inay wax badan ka fahmaan Cilmiga Dabka, Isla markaana awood u yeeshaan in hadii dab ay la kulmaan ay ku damin karaan damiyaasha yar yar.

Muddada tababarku socdo waxaa shaqaalahani si toosa ( Practical) ah u samayn doonaan tijaabooyin lagu daminayo Walxo gubanaya. Shaqaalaha ayaa iskugu jiray xubno maamul ah iyo qaybo ka mida gaadhadhka xarumaha Telesom.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu tababar siinayay shaqaalaha kala duwan ee shirkadaha Ganacsi iyo bulshadaba, taasina waxay kor u qaadaysaa ka hortagga Dabka iyo wacyiga guud ee bulshada

Advertisement

Ku Xayeysiiso