Shirkadda Telesom ayaa qalab caafimaad oo loogu talogalay la tacaalida covid19 ku wareejisay wasaarada caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdillaahi ayaa mishiinka shaybaadhka xanuunka Coronavirus iyo agab caafimaad kala wareegay Shirkada Isgaadhsiinta Teleaom.

Mishiinkan oo ah midka sida ugu dhakhsaha badan ukala xaqiijiya jiritaanka iyo xaalada caafimaad qabka qofka iyo agabkan caafimaad oo ah mid muhiim u ah xakamaynta xanuunka Coronavirus ayaa ah mid baahi badan loo qabay waxtar wayna u leh wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Sidoo kale ay lagama maarmaan tahay in la helo mishiino lamid ah oo ku fulnaan kara baahida loo qabo.

Dhanka kale, Wasaaradda H.Caafimaadka JSL ayaa dhankeega hore xil iska saartay kor uqaadista aqoonta khuburadii caafimaad ee shaybaadhkan casriga ah kushaqayn lahaa & goobaha khaaska ee loogu talo galay in mishiinada lagag shaqaysiiyo.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso