Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Md Cumar Cali Cabdilaahi iyo waftigii uu hogaaminayay oo ka koobnaa waaxaha Caafimaadka Guud WHC, Waaxda Horumarinta Cusbitaala

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Md Cumar Cali Cabdilaahi iyo waftigii uu hogaaminayay oo ka koobnaa waaxaha Caafimaadka Guud WHC, Waaxda Horumarinta Cusbitaalada WHC, Xid

hiidhka Dadwaynaha iyo wacgigalinta WHC. Waftigan Wasiirka oo maalmihii u dambeeyau safar shaqo ku marayay Gobalada Saaxil Iyo Togdheer, Waxa uu ahaa Mid Kamid ah socdaal kuqotama taabshada baahiyaha iyo isdul taagista xaqiiqooyinka la taaban karo, oo la xidhiidha waxqabadka fool ka foolka ah ee Siyaasada kahortaga iyo xakamaynta Wasaaradda H. Caafimaadka JSL.

Safarka Wasiirka ee nuxurka ujeedadiisu daarnaa, sidii daawooyin iyo qalab caafimaad loo gaadhsiin lahaa cusbitaalada iyo Xarumaha Caafimaad ee Gobolada Togdheer iyo Saaxil.

Waxaanu Wasiirka Wasaaraddda H. Caafimaadka gaadhsiiyay, cussbitaalka weyn ee magaalada Burco iyo 70 kale oo xaarumo xaafimaad ee Gobalka Togdheer qalabka loogu talagalay ka hortaga iyo gaashaanka xanuunka Coronavirus. Taasoo looga dan leeyahay xakamaynta halista xanujnka Coronavirus.

Geesta kale, Gobolka Saaxil Waxaa isna Wasiirka W.H Caafimaadku ku wareejiyay cusbitaalka magaalada Berbera iyo 39 xaarumo Caafimaadka ee Gobolka oo la gaadhsiiyay, qalab iyo daawooyin.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo xubin ka ah Gudidda heer qaran ee kahortaga iyo xakamaynta Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa Gobaladda Saaxil iyo Togdheer gaadhsiiyay (–) tan) oo raashin ah kaasoo loogu talo galay in lagu kabo nolasha qoysaska uu saamaynta dhaqaale ku yeeshay Cudurka Covid19. Iyadoo raashinkan loo qaybiyay 6000 oo qoys oo kudhaqan gobalka Togdheer iyo 3700 oo qoys oo ku nool gaobalka Saaxil. Raashinkan oo ahaa qaybta hore kabka ay xukuumadu u qorshaysay dadka uu xanuunkan saameeyay.

Socdaalkan iyo Kormeerka Wasiirku ku Gaadhay Gobolada Togdheer iyo Saaxil ayaa Qeyb ka ah siyaasadda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo deddaalada xukuumada JSL ugu jirto kahortaga iyo ladagaalanka saamaynta Cudurka Covid19.

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa mudaddii uu kuguda jiray Socdaalkiisa Shaqo kormeermeero kala duwan kusoo maray dhamaan xaarumaha caafimaad ee gobalada Togdheer iyo Saaxil. Iyadoo ay xusid mudan tahay in Wasiirka iyo waftigiisu kormeer qiimayn ah ku gaadheen xaarumaha dadka gooni-yeelka ah (Isolation Centers)ka loogu tal galay dadka looga shikiyo xanuunka iyo xaarumaha daawaynta iyo xakamaynta dadka xanuunka laga helo (Quarantine Centers)-ka

Dhanka kale Safarkan uu Ku Gaadhay Gobolka Togdheer iyo Gobolka Saaxil ee uu Hada ku Sugan Yahay, Waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka iyo Gudiyada Heer Gobol ee Ka Hortaga iyo Ladagaalanka Cudurka Covid19, iyo Waliba Dhakhaatiirta Guud ahaan iyo Masuuliyiinta iyo Hawl-Wadeenada, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta & Maamulada Cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee Gobalada Saaxil iyo Togdheer.

Waxaanu Wasiirku dhamaanba Dhinacyadaa uu Kulanaka la qaatay uu ku adkeeyay feejignaanta iyo Xidhiidhka Hawlaha Shaqo ee Caafimaadka iyadoo Muhiimada ugu Weyna la saarayo, wacyigalinta iyo xakamaynta cudurka halista ah ee COVID19 Isagoo hoosta ka xariiqey inay shaqada wasaaradda H. Caafimaadka ay lagama maarmaan u tahay iskaashiga iyo wadashaqaynta taasoo sal u ah la dagaalanka xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso