Is-barbar Dhiga, Jaaniska iyo Nasiibka, Dhalinyaradii Reer Somaliland, Ee Dalka Xoreysay iyo Dhalinyarada JSL ee Maanta. W/Q: Miyir Cali Xuseen.

Qormadeenan maanta, waxa aynu isku barbar dhigi-doonaa, jaanis-yada iyo nasiibka ay is dheer yihiin, dhalinyaradii dalka dib u xoraysay iyo dhalinyarada maanta joogta ee qaranka Somaliland.

In-kasta oo aanay sinayn, wacyiga dhaqan,dhaqaale,siyaasadeed iyo nololeed ee labadan wakhti, hadana waxa aynu waxoogaa dul-istaagi doonaa, sida ay u kala durugsan yihiin, jaanis-yada iyo nasiibka ay kala heleen labadan fac, ama dhalinyaro ee reer Somaliland.

Aan ku horeeyee, dhalinyaradii reer Somaliland ee kacaamay ama kaalin-galay dhamaadkii sanadihii todobaataankii ilaa bilowgii hore ee sideetamaad-ku waxa ay ku beeg-meen marxalad adag iyo duruuf qalafsan oo laga dhaxlay, foof-daran habaabkii xornimada iyo la midoobidii darafkii koonfureed ee Soomaaliya, oo aynu ka dharagsan-nahay, natiijadii reer Somaliland ka dhaxleen, midnimadaa khasaartay ee aynu eednay.

Hadaba, dhalinyaradii wakhtigaas nasiibkoodu ku beegay, ayaa waxa ay la kow-sadeen mustaqbal madaw iyo nolol qalafsan oo ku qasabtay inay ka dhiidhiyaan, dhimashana ka beegsadaan halkii ay ku hoos jiri lahaayeen, xukun axmaqa, oo duudsiga xuquuqdooda muwaadin-nimo ugu sii-daraaya, dil,dhac iyo dir-sooc aanu jirin wax ay ku galabsadeen oo ay gaysteen.

Dhalinyaradan oo runtii si geesinimo leh uga badheedhay, sidii ay heeryadaas dulmiga, dadkooda iyo dalkoodaba uga dul-qaadi lahaayeen, ayaa waxa ay halgan qadhaadh oo ay ku bilaameen mudahaadyo iyo dhagax-tuur ay sameeyeen ardaydii dugsiyadu, sida dhacdadii taariikhda gashay ee dhagax-tuurkii ardayda 20-kii bishii koobaad ee sanadkii 1982, taasi oo tusaale fiican oo ku hirasho leh u noqday dhamaan dhalinyaradii iyo ardaydii reer Somaliland ee wakhtigaas, oo aynu odhan karno waxay ahayd dhacdadii ama sababtii istaadhay ama ku dhiirisay in dhamaan dhalinyaradii wakhtigaasi, ee dhibku sida dhabta ah maalin-walba u taabanaayey ka badheedho, inay duurka u galaan, dib u xoreynta xornimadooda marin habaabtay ee walaalnimo jacaylka sabab-satay, taasi oo halgan dheer oo sanado badan qaatay oo ay duurka u galeen, dhimashada xoriyada ama dheefta guusha, kadib sanadkii 1991-kii,  Alle ku guuleeyey inay mar labaad dalkoodii oo xora dib u helaan.

Dhalinyaradaasi oo aynu ka wada dharagsan nahay, halgankii naf hurida lahaa ay ugaleen xoriyada iyo tirada qiyaasta beeshay ee u shihiiday, sidii ay dalkooda dib uga xoraysan lahaayeen, cadawgaas u diirka eeg ee dulmiga baahsan ku hayey.

Hadaba, hadii aan tusaale kooban usoo qaato, madaxweynaha qaranka Somaliland ee hada xilka haya Md.Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa dhalinyaradaas halgantay, ee kacaamay wakhtigaas dhamaadkii todobaatanaadkii ilaa bilowgii sideetanka iyo Afhayeenkiisa Madaxtooyada Md.Maxamuud Warsame Jaamac, oo isna kamida dhalinyaradii dhalatay bilowgii sideetamaadka ee kacaamay bilowgii 2000-ka, oo ah laba masuul, oo kasoo kala jeeda dhalinyarada reer Somaliland ee qaranka u kacay labadaas xili, ayaa waxa ay ku kala beegantay, hana-qaadkooda iyo kacaamidoodu laba xili oo aad u kala durugsan, aad-na u kala nasiib iyo jaanis badan.

Aan dul istaago, jaanisyada labadan masuule, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xiligaa faciisu kacaamay, is-ka-daa jaanis siyaasadeed iyo jaran-jaro kale oo nololeed oo uu higsado, lo’dkiisa iyo tobankii lo’d ee kasii weynaa, xiligaasiye, waxa uu ku fikiraayey sidee uga nabad-gashaa dulmiga dawlada iyo sidee nolol badqab ah ku heli kartaan, adiga iyo qoyskaagu, dawladaasi oo hadaan si kale u dhigo, iska dhaaf dhalinyaro han iyo hiigsi yeelata’e, hadii taajirka ugu weyn reer Somaliland ee wakhtigaasi uu u baahdo ama arin ka-gasho, wasiir ama masuul kale oo dawlada xil u hayaa, ay ku qaadan jirtay inuu sanad ama bilo badan usoo wareego, bal jaran-jaradii uu u mari lahaa masuulkaas, hada waa masuulada hoose ee uu ugu sareeyo, wasiir ama wax la mid ahi, iyada la kulanka madaxweyne Siyaad Barre xisaabtaba kumay jirin, halka maanta aynu og-nahay sida sahalka ah ee min madaxweyne ilaa masuul hoose intaba, dhalinyarada Somaliland gobolkay doonaan ha kasoo-jeedaane ay sahalka ugu heli karaan, u-lana kulmi karaan, taasi oo inoo kala qeexaysa farqiga jaanis iyo nasiib ee labadaas, fac is-dheer yihiin.

Dhinaca kale hadii aan isna dul istaago, masuulka labaad ee aan tusaalaha usoo qaatay, waa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ee isna wakhtigan xilka haya, Md.Maxamuud Warsame Jaamac, oo kamida dhalinyarada, ugu dhaw madaxweyne Muuse Biixi, ee wakhtiga faciisu kusoo beegmay, jaaniska iyo nasiibka alle dhalinyarada siiyey, kana faa’idaystay ee siyaasada kusoo biiray, ayaa waxa uu dhashay sanadkii bilowgii sideetamaadka, isagoo isla markaasi kamid noqoday dhalinyaradii, heerarka waxbarasho markii ay dhamaysteen, ilaahay kusoo beegay fursadii dahabiga ahayd, madaxweynaheenii hore ee Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isna aynu ognahay doorkii uu halganka xornimada kasoo qaatay, uu jaaniska u siiyey in dhalinyarada da’doodu gaadhayso 25 jir ay kusoo biiri karaan, saaxada siyaasada isla markaasina ay u tartami karaan xildhibaanimada golayaasha deegaanka ee dalka.

Jaanis kaasi siyaasadeed ee Madaxweyne Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, dhalinyarada u sameeyey, ayaa sabab u noqday in Afhayeen Maxamuud Warsame u tartamo xildhibaanimada golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, taasi oo dadaal iyo karti mugle oo la yimi kadib, uu ku noqday, xildhibaankii ugu da’da yaraa ee golayaashii deegaanka ee doorashadii 2012, dalka ka dhacday, taasi oo isla markaasina sabab u noqotay inay salaanka siyaasada kasoo fuulaan, isaga iyo dhalinyaro kale oo tiro badaniba.

Afhayeen Maxamuud Warsame, ayaa markii uu mudo sanado ah kamid ahaa, golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, waxa uu mar kale libin-laabay dadaalkiisii siyaasadeed, isagoo isla markaasina, hore uga soo dhaqaaqay kaalintaasi xildhibaanimada golaha deegaanka degmada Ceerigabo, waxaana Alle ku guuleeyey oo uu mar kale  jaanis u helay inuu noqdo wiilkii ugu da’da yaraa ee ku biira Golaha Wasiirada Somaliland, kadib markii loo magacaabay, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland, April 04 2016, xilkaasi oo markii uu mudo hayey, uu hadana noqday, December 04 2016, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, xilkaas oo uu hayey ilaa intii uu ka dhamaanayey wakhti xileedkii xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo runtii ku suntanaa hogaamiye hiiraal fog, oo dhalinyarada Somaliland jaanis weyn u siiyey inay kusoo biiraan, doorkoodana ka qaataan, hogaaminta dalka.

Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, hadana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u magacaabay Dec 2017 inuu noqdo, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, xilkaas oo uu ilaa haatan hayo, kana mid yahay, dhalinyarada firfircoon ee nasiibka u yeeshay inay kamid noqdaan xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo in ka badan 80% dhalinyaro ah, taasi oo ku tusaysa jaaniska iyo nasiibka aad-ka u kala fog ee ay is-dheer yihiin dhalinyaradii dalka xoraysay iyo dhalinyarada wakhtigan maanta ah kusoo beegmay.

Hadaba, su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah, dhalinyaradeena maanta joogta, ee ilaahay jaaniskaas iyo nasiibkaas, is barkan siiyey, ma og-yihiin..? Mase ugu xamdi-naqaan, Alla-hooda siiyey, ee nolol xoriyada, oo ay wax-barteen, jaanisyo nololeed oo dhinac walba ah heleen, siyaasadii iyo hogaamintii dalka halka ugu fiican ka joogaan iyo tirada ugu badan.

Ma is og-yihiin inay xoriyad, dhalinyaro la mid ahayd usoo dhimatay oo usoo dhibtootay, man-faceedii iyo dheefteedii ay maalayaan.

Miyir Cali Xuseen

Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso