Marka Waxbarashadda dib loo Billaabo Maxaa la innaga Rabaa?

 

Marka Waxbarashadda dib loo Billaabo Maxaa la innaga Rabaa?

Inkasta oo hadda in dib loo furo goobihii waxbarashaddu ay iska tahay mustaqbal aan la maleyn karin,qorshihiisana wax iska beddeli karaan Markasta,haddana waa wax aad looga fekiraayo in 1st august 2020 lagu noqdo waxbarashadda.

“Aragtida ah in saf markani uu yahay mid muddo badan sii jiri doonna,sida aan warar badan ku aragney waxa ay ku khasbeysaa goobaha waxbarashadda in ay si taxadir leh uga fekiraan haddii mustaqbalka la furo goobaha waxbarashadda sida loo illaalin doonno,daryeeli doonno loogana hortegi doonno in saf markaasi mar kale ka dillaaco xarumaha  waxbarashada”,in xarumaha waxbarashada la fura sidda darteed waxa ay u baahan tahay maamul iyo qorshe ku qotoma kuna saleysan saf marka karoonaha,si isgoolka barxadaha jaamacaddaha amma dhismayaashaba loogu diyaariyo soo noqoshada ardeyda iyo macallimiinta.

Hab nooce ah Ayaa isgoolada iyo Jaamacaddaha loo furayaa

Waa in Dugsiga iyo Jaamacaddaba laga arkaaa diyaar garow,ka hortag iyo is illaalin intaba Joogto ahWaa in Isgoolada iyo jaamacadduba ay ku dedaalaan nadaafada goobta waxbarashadda iyada oo wixii qashin iyo xashiish ah si joogto ah loo qaadaayo,nadaafadda meydhida dhismahana la illaalinaayowaa in muddada horre lagu dedaala kala fogaansha iyo faalalka ardeyda iyo macallimiinta intabawaa in si joogto ah baadhid looga qaada ardeyda iyo macallimiinta lagu arko amma looga shakiyo saf marka iyada oo kooxo  caafimaad oo awood u leh baadhida karoonaha la geynaayo afaafka goobahaasiwaa in dadka booqanaya isgoolada iyo jaamacaddaha inta aaney gelin baadhid lagu sameeyaawaa in agabka faraxalka ee hadda la geeyey goobaha dadku isugu yimmadaan la joogteeya oo si rasmi ah loo meel mariyaawaa in ardeyda kulliyada caafimaadka ku jira ee jaamacadduhu ay soo bandhigaan barnaamijyo sixada iyo caafimaadka wax lagaga qabanaaya oo waxter u leh ardeyda iyo jaamacaddaha islamarkaasina kooxahaasi ay joogto ah ula shaqeeyaan wasaarada caafimaadka iyo dawladda hoose intabaWaa in laga fekiraa Tirada badan ee ardeyda hal mar fasal wada fadhiisaneysa,ardey kooban oo faalal ku heli kara fasalku waa in ay fasalkii soo fadhiistaan oo laga daaya 60 ardey ee meel la isugu keenayo mustaqbalkaJaamacadduhu ha ka hor furmaan dugsiyada iyo goobaha kale oo yaan mar la wada furin,annigu waxaan qabaa in 1st July si tijaabo ah jaamacaddaha loo fasaxo,dugsiyada kalena 1st august oo ay kala horreyaanwaa in wixii hadda ka danbeeya laga fekiraa “Hybrid School” iyo “Hybrid Universities”Manjahka Waxbarashadda masaafada fog waa in la suurtogeliyaaWaa in Toddobaadkii 4 cisho ee horre lagu tijaabiyaa fasallada saddexda dambe la fasaxaa toddobaadka horre si loo ogaado xaaladda.Isgool kasta iyo Jaamacadd kastaa waa in ay hawl gelisaa waaxda adeega deg,dega ah si mustaqbalka wixii yimmaada hore looga jawaabo.

Ka hortag,Badbaado,is illaalin,nadaafad iyo kala fogaanshaha waa in xitaa mustaqbalka aan sii wadana oo adeegsanaa si aan uga hortagno in saf markaasi iyo kuwo kale oo la midka ahi ay ku dhex faafaan bulshada gaar ahaan ardeyda iyo macallimiinta,Isgoolada iyo Jaamacaddahana sida ugu dhakhsaha badan ha loo furo oo Maamul xumada joogtada ah ee lagu hayo ha laga daayo.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso