Dadka Carona uu ku dilay dalka Talyaaniga oo Toban kun kor udhaaftay.

Cudurka Carona Virus ayaa wali sii wada dadka uu ku laynayo daafaha caalamka, wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in dadka udhintay Carona ay kor udhaafeen Toban kun oo ruux.

Guddiga caafimaadka uqaabilsan dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in dhimashadu ay gaartay 10030 qof taas oo ka dhigan in Talyaanigu yahay wadanka ugu badan ee caabuqa Carona uu dhimashada ka geystay.

Dalka Spain ayaa ah dalka labaad  ee ladhiban caabuqan waxayna dhimashadu gaartay 5853 qof halka Faransiiska ay dhimashadu sii caga cagaynayso 2500 oo qof. caalami ahaan dadka Caronka udhintay Afar bilood gudahood waxay gaartay 31,000 oo ruux.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in dadka Americanka ah ee Carona uu dilay bishan gudaheeda ay ka badanyihiin 2010 qof islamarkaana uu soo ritay dad ka badan 119-kun oo ruux.

Advertisement

Ku Xayeysiiso