Madaxwaynaha Jubbaland oo sheegay in qorsho dowladda la damacsaneyd uu fashilmey

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam ayaa maanta booqday taliska ciidanka Darawiishta Jubbaland ee dagmada Afmadow wuxuuna halkaasi kula hadlay qaar kamid ah Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Isaga oo la hadlayay ciidamada ayuu madaxweynahu ku amaanay in ay habayn iyo maalin u taaganyihiin sidii ay nabadgalyo ugu shaqayn lahaayeen si shacabka dagmada iyo tuulooyinka hoos taga ammaan u heli lahaayeen.

Madaxwaynaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay askarta difaaca hore ku jira kuwaas oo iyada oo mararka qaar fursaduhu ay yaryihiin hadana u taagan sidii ay bulshadu u heli lahayd wakhti ay noloshooda ku maareeyaan.

War-saxaafadeed ku saabsan booqashadaas oo laga soo saarey madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in uu madaxweynahu sheegay in qorshahii ay dawlada federaalku ku doonaysay in ay ku kala furfurto ciidamada iyo sarakiisha Afmadow ka hawlgala uu fashilmay taas oo meelo badan hada kahor uga hir gashay isla markana dhibaatadii ka dhalatay ilaa maanta shacabka Soomaaliyeed ay la daala-dhacayaan.

Madaxwaynaha ayaasidoo kale sheegay in ciidamadii loogu tala galay in ay la dagaalamaan Al Shabaab iyo hubkii caalamka uu ugu deeqay dalka in loo adeegsanayo burburinta dalka iyo hanaanka federaalka. Wuxuu madaxwaynuhu si gaar ah nasiib daro ugu tilmaamay in maanta ay is horfadhiyaan ciidamadii la doonayay in ay sida wadajirka ah ula dagaalamaan Al Shabaab.

Shacabka reer Jubbaland iyo ciidamada kala duwan ayuu madaxweynahu ugu baaqay in dagaalka Al Shabaab iyo xoraynta deegaanadooda ay u istaagan iyaga oo sidoo kale ka feejigan in dhexdooda la kala qaybiyo iyada oo laga leeyahay dano gaar ah oo aan dalka u wanaagsanay.

Ugu damabeyn Madaxweynaha Jubaland waxaa uu sheegay in uu la socday dhamaan xiriiradii ay dawlada federaalka ah masuuliyiinteedu la soo sameeyeen taliyaha dagmada Afmadow isla markana uu dhagaysanayay dhamaan waxyaabahii ay kala hadlayeen oo aan marna la dhihi karin waxay ahayeen wax dan u ah qaranka balse dano shakhsiyadeed ay saldhig u ahayd sida uu hadalka u dhigay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso