Itoobiya iyo Kenya oo amray in laxidho goobaha Waxbarashada sababa la xidhiidha Carona.

Qaar kamid ah dowladaha dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin looga feejignaanayo faafidda cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa amar kusoo rogay in laxidho dhammaan goobaha waxbarashada wadanka sida  Jaamacadaha iyo Iskuullada illaa iyo amar dambe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in lamamnuucay isku imaatinnada bulshada si looga feejignaado cudurka dilaaga Carona oo si xowlli ah ugusii dhax faafaya dadyoowga dunida.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in lafasaxay iskuullada waxbarashada iyo jaamacadaha, wareegto kasoo baxday xafiiska Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu hakiyay waxbarashada jaamacadaha iyo Iskuullada.

Itoobiya iyo Kenya waxay laga diiwaan geliyay tobanaan kiis oo ah cudurka Carona Virus balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin dad geeska Afrika ugu dhintay cudurkan dilaaga ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso