Wasiirka Caafimaadka XFS oo xaqiijisay in Kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus ah laga helay Muwaadin Soomaaliyeed

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo hadda goob loogu talagalay lagu karantiilay.

Wasiirka caafimaadka XFS, Marwo Fowziyo Abiikar Nuurayaa sheegtay in Dowladda dadaal walba ku bixineyso sidii muwaadinkaas oo dalka dibadiisa ka yimid loo baxnaanin lahaa.

Cudurka Corono Virus ayaa fara ba’an ku haya caalamka,waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay dadaal kasta oo faafitaanka cudurkaas looga hortagi karo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso