Akhriso Fariin muhiim: Astaamaha lagu garto Cronavirus, sida looga hor tago iyo dadka halista u ah in ay u geeriyoodaan xanuunkan.

Fariin muhiim ku wajahan xanuunka Coronavirus:

Haddii aanad heli karin dareeraha Alcohol ka ma ogtahay sida aad uga hortagi karto xanuunkaas?

1- Waa gacmaha oo aad si joogta ah u maydho
2- Biyo diiran oo milix lagu daray oo aad ku faraxlataa waa ka
hortag wanaagsan in faarisku ku sii eekaado gacmahaaga.
goobaha aad ku masaxdo ama dharka aad ku maydho.

3- Fooxa oo aad ku shido gurigaagu waxa uu suurto galinayaa in
meesha ka saaro faariska oo sii cimri-dheeraada iyo fooxo oo
sifaynaysa marinada naqas- qaadashada.

4- Sanaka oo aad ka neefsato oo aanad afka kala qaadin haddi
qof aad ka shakida kugu dhow yahay, waxa aad u badan
tahay in aanad qofkaa ka qaadin xanuunka.

Astaamaah qofka uu ku dhacay Coronavirus:

1- Qufac joogto ah

2- Neef -qabad ama naqas-koo ku qabta

3- Xaraarada jidhkaaga oo korodha, si aan caadi ahayn.

Waa sida hargabka oo kale, laakiin dadka ku dila oxygen ta oo uu jidhka ka jaro iyo isagoo ku faafa sambabada, noqdana xanuunka loo yaqaan pneumonia (Nimooniya) ama. sababada oo qoyaan-ceeryaan ahi qabsado oo neef-qaadashadu shaqayn weydo.

Yaa halis u ah?

1- Dadka marka horeba la liitay xanuuno kale, oo aanay ka
bogsan karin. Da’dooduna ay aad u weyn tahay.

2- Qofka aadka u caba sigaarka ama shiishada ee
sambabadiisu liitaan.

3- Caruurta aadka u yar ee xaalad caafimaad oo liidata ku jirta.

Allah inaguna keeno!!!

Xigasho – Qoraalo kala duwan oo la xidhiidha la dagaalanka Coronavirus oo aan akhriyey NHS, WHO iwm.

Advertisement

Ku Xayeysiiso