Waa maxay Coronavirus?

Asc togaherer iyo akhyaarta ku xidhan.
sida aynu ogsoonahay waxa waxa beryahan dunida si xawli ah ugu fidaya cudurka loo yaqaan koronavirus kaas markii ugu horaysay laga helay wadanka china december 2019 gaar ahaan magaalada wuhan oo ka tirsan gobolka hubei. nasaab wanaag weli somaliland way ka bedqabtaa cudurkan, laakiin waxa muhim ah in qofku macluumaaad ka helo cudurkan.
hadaba maqaalkana kooban waxan kaga jawaabi doonaa su,aaalahan , muxuu yahay korona virus? sidee ayuu ku fidaa? astaamaha lagu garto cudurka?sidee looga hortagi karaa? maxaa lagu daweeyaa?
cudurkan waxa keena ili ma’aragtay aad u yaryar oo loo yaqaan fayras, waana caabuq saameeyaa sababka, kaas oo u kala gudbi kara qof ilaa qofkale, waxana uu u egyahay duriga, waxana uu isugu jiraa mid fudud , mid dhexdhexaad ah iyo mid culus.kan culusi waxa uu keeni karaa naqaska oo qofka ku dhega taas oo hadii ay sii adkaato keeni karta khatar caafimaad.
cudurkani waxa uu ku fidikaraa hawada iyo walxaha aad taabato oogooyinkooda waxana uu qofka ka geli karaa sanka, afka, iyo indhaha.
cudurkan waxa lagu gartaa astaamahan soo socda, qufac badan, duuf biyo ah oo sanka ka socda iyo xumad aad u saraysa.
xanuunkan waxaa looga hortagi karaa marka koowaad in qofkastaa allaah waydiisto inuu ka badbaadiyo cudurkan maadaama aan nahay dad muslin ah oo aaminsan qadarka ,, in nadaafadka gacmaha aad loo ilaaliyo laguna maydho saabuun iyo biyo, in marka uu qofku qufacayo isticmaalo softi, in qofku dhatarka la xidhiidho haddii uu dareemo astaamaha aan soo sheegnay.
cudurkani weli wax daawo ah looma hayo, talaalna mweli malaha, laakiin markaad eegto tirada dadka uu ku dhacay iyo inta u dhimatay aad ayaa ay u yartahay, tusaale ahaan ytirokoobkii u danbeeyay ee korona fayras waa sidan(date 12/3/2020
aduunka oo dhan waxa ku dhacay 126200 oo qof
waxa u dhintay 4600
waxana uu gaadhay 116 dal oo caalamka ah

Allaa Mahad Leh
Abdilahi Ali Derie ( biology teacher at Qalah secondary school gabiley somaliland)
Email: Abdilahi_3@hotmail.com
Tel: 0634465037

Advertisement

Ku Xayeysiiso