Talyaaniga oo go’aan adag ka soo saaray cudurka Coronavirus

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo saartay “tallaabooyin culus” oo ay ku xakamaynayso in caabuqa coronavirus uu ku faafo qaaradda Yurub.

Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxa uu ku dhawaaqay qorshe degdeg ah xilli tirada dadka uu caabuqaasi ku dhacay ay sare u kacday oo ay gaadhay 79.

Tallaaabooyinka ayaa la soo rogay kaddib markii laba muwaadin oo Talyaani ah la xaqiijiyay inay u dhinteen caabuqan.

Toban magaalo oo ku yaal gobollada waqooyi ee Lombardy iyo Veneto ayaa si adag waxaa loo galiyay karantiimo.

Ku dhawaad 50,000 oo qof oo ku sugan magaalooyinkaas gobollada waqooyi ayey mas’uuliyiintu waydiisteen in aanay guryahooda soo dhaafin.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso