Inan Soomaaliyad ah oo si layaab leh ugu soo baxday Rubuc dhamaadka Is-reeb-reebka Feedhka Olombikada.

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali a ayaa usoo baxday Rubuc dhamaadka Isreebreebka Feedhka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan, kaasi oo lagu qaban doono sanadkan 2020-ka.

Ramla ayaa garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guuleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feedhyahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso