Puntland oo digniin culus u Dirtay Ciidamadeda is diwaan galiyey

Wasiirka Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland ahna Guddoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Xasan Shire Cabdi ayaa digniin u diray Ciidamada Puntland ee is diiwaan galiyay.

Xasan Shire Cabdi Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo la hadlay Ciidamada ayaa sheegay intii ay shaqada ku guda jireen in ay wax badan ka ogaadeen qaladaad ay qaybo ka mid ah Ciidammadu sameeyeen.

“Ilaahay baa Mahadi u sugnaatay noona fududeeyay hawlihii tira koobka Ciidammada Puntland, intii aanu hawshan wadnay waxaanu qabanay rag badan oo diiwaan galinta ka soo galay gobolo kale, Ciidamadaasi waanu haynaa waxaana laga qaadi doonaa talaabo ku haboon oo dhanka sharciga ah ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi “

Wasiirka ayaa digniin Clus u diray Ciidammada is diiwaan galiyay.

“Dhamaan Ciidammada waxaan u sheegaynaa in xogta horay looga qabtay ay tahay mid siwayn loo xafiday loogana fekeray, waa mid naga go’an in aan la dagaalano dadka caadaystay in ay meelo badan ka qaataan lacag been abuur ah waxaan leeyahay ka waan tooba, Askarigii lagu qabto sharciga ayaa la marin doonaa ayuu yiri Wasiirku”

Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe waday diiwaan-gelinta Ciidanka Puntland, waxaana dib u habeynta Ciidamada Guddoomiye u ah Wasiirka Maaliyadda maamulkaas Xasan Shire Cabdi.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso